Muqdisho, Soomaaliya – 9 July 2025: Qarax ismiidaamin ah ayaa maanta gilgilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, abaare 11:20AM, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof naftii halige ah oo la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda argagixisada ah ee Khawaarijta Al-Shabaab. Sida wararku sheegayaan, qofka weerarka fuliyay ayaa isku qarxiyay meel ay ciidamo badan iyo saraakiil ciidan ku sugnaayeen, taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo weerarrada ka dhanka ah xarumaha tababarka ciidamada iyo goobaha muhiimka ah ee amniga dalka.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid si gaar ah loo ilaaliyo, taas oo muujinaysa in khatarta argagixisadu ay wali jirto, islamarkaana ay ka faa’iideysanayaan meelaha nugul ee leh qiime istiraatiiji ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hase yeeshee tirada rasmiga ah weli lama shaacin.
Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri:
> “Ciidamada ammaanka ayaa durba bilaabay baaritaanno dhameystiran. Waxaa socda dadaallo lagu xaqiijinayo ciddii ka dambeysay falkaasi foosha xun, waxaana shacabka Soomaaliyeed lala wadaagi doonaa faahfaahin rasmi ah marka baaritaanku soo dhammaystirmo, haddii Alle idmo.”
Dowladdu waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, kana feejignaadaan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo, si looga hortago falal amni darro oo kale oo mustaqbalka dhici kara.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda Soomaaliya wajaheyso cadaadis gudaha iyo dibedda ah, iyadoo laga filayo inay la timaado istaraatijiyad cusub oo wax ku ool ah si loo adkeeyo amniga caasimadda.
Falalka argagixisanimo ee kusoo laabtay xarumaha ciidamada iyo hay'adaha dowladda ayaa sii wiiqaya rajadii shacabka ee dhismaha qaran nabdoon. Qaar ka mid ah dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in weerarada sidaan oo kale ah ay calaamad u yihiin hoos u dhaca awoodda dowladda federaalka, taasoo maanta lagu tilmaamo mid xukumeysa in ka yar 10% dalka, iyadoo kooxaha hubeysan ay si maamul ah u haystaan qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Weerarka Jaalle Siyaad wuxuu tusaale u yahay baahida degdegga ah ee isbeddel amni iyo siyaasadeed oo dhab ah, haddii aysan doonayn calanka buluugga ah inuu gebi ahaanba ka lumo magaalada Muqdisho — ama xitaa qaranka intiisa kale — kahor sanadka 2030.
