![]() |
| Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Cabdelfataax Al-Sisi (bidix), dhinaca kale Madaxweynaha Masar Al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. © APS |
Somalia oo dhexda u gashay dagaal labo afoole ah iyadoo hadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga sugayo in uu qaato go'aan samayn ku yeelan doona Masiirka Somaliya kaas oo noqonaaya "Labo Daran Mid Dooro".
Xasan Sheekh ayaa hadda loo arkaa mid waajahaya culuysyo badan oo kaga imaanaya Dhinacyada Qaahira & Addis Ababa, kaasi oo u baahan maarayn iyo in lagu waajaho khibrad siyaasadeed iyo go'aan qaadasho adag.
Masar ayaa hadda doonaya oo u haqaltaagaysa in dib loo soo celiyo oo baadhka laga jafo go'aamadii saddex geesoodka ahaa "Somalia, Egypt, Eritrea", ee lagu gaaray sanado ka hor waddanka Eratariya kaas oo xanbaarsanaa qorshe iyo dhaqdhaaqyo lagu go'doominayo Dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Masar; ayaa casuumaad u diray Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la filayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu halkaas u safro.
Dhinaca Kale Waxaa Xoogaystay Khilaafka u dhaxeeya Addis Ababa iyo Asmara iyo sidoo kale qaahira , Casuumaadda Madaxweynaha Masar uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa ku hoos Duugan in uu rabo in uu cadaadis saaro Madaxweynaha Soomaaliya ka qayb-noqonshiiyaha qorshaha go'doominta Ethiopia .
Hadii Madaxweynaha Masar uu ku cadaadinayo ama cadaadis ku saarayo Madaxweynaha Soomaaliya in uu qayb ka go'doomiyo Ethiopia , Dhankiisa Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Axmed ayaa xasan Sheekh ku casuumay xaflad xadhiga looga jarayo biyo xidheenka wabiga niil ee Ethiopia dhistay, kaas oo hadii Xasan Sheekh ka qayb galo ka dhigantahay in uu si badheedha ama ula kac ah uga horyimi masar iyo suudaan.
Masar ayaa muddu dheer kasoo horjeeday biyo xidheenka wabiga niil ee Ethiopia dhistay sababo la xidhiidha Walaac ay ka qabto in uu yaraan doono saamiga iyo qaybta ay ku leedahay wabiga niil, dawladda masar ayaa biyo xidheenkan ku tilmaamtay mid khatar ku ah jiritaankeeda maadaamoo wadanku ku tiirsanyahay wabiga niil, si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadkeeda oo ka badan 90 million.
Wasiirka arimaha dibadda masar ayaa shaaciyay in wadahaladii u dhaxeeyay Masar, Ethiopia, Sudan ee ku saabsanaa biyo xidheenka wabiga niil ee Ethiopia dhistay ay istaageen, Taas oo muujinaysa in aan wax natiijo ah laga gaadhin dadaaladii diblomaasiyadeed, iyadoo Ethiopia waqtiyada soo socda ay xadhiga ka jari doonto dhismihii muranka dhaliyay.
Wasiirka Ayaa Arinta ku tilmaamay mid nasiib darro ah, isagoo ku xusay shaacintiisa inay masar marwalba ka shaqeenaysay sidii wadahaladda diblomaasiyadeed ay u midho dhali lahaayeen, balse ku dhamaaday isfaham la'aan.
Si kastaba waxaa indhaha si gaara loogu hayaa go'aan ka ay ka qaadan doonaan Soomaaliya iyo hogaan keedu dagaalkan labo daran mid dooro ah , ee hadda horyaala xasan Sheekh.

